Waxaa weli warar dheeraad ah ka soo baxaaya Goobta uu qaraxa ka dhacay isgoyska ‘KM 4’ ee magaalada Muqdisho oo ay iminka ku sugan yihiin Madaxda Dowladda Somalia oo iyagu xisaabinaaya dadkii uu qasaaraha ka soo gaaray Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay KM 4.
Wararka dheeraadka ah ee ka soo baxaaya goobta qaraxa ayaa waxa ay sheegayaan in Inta 11-qof ay ku dhinteen qarax iyo is-rasaaseyn xigtay oo ka dhacday isgoyska ‘KM 4’ ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof isa soo miidaamiyay lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa ku burburtay Afar gaari oo uu mid ka mid ah uu lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan xiliga Qaraxa uu dhacaayay saarneyn gaariga balse uu waday Darawalka.
Isgoyska ‘KM 4’ ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka ku sugan Mas’uuliyiin ay kamid yihiim Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Ibraahin Warsame Dhabaneey iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somalia oo iyagu indha indheynaaya qaabka uu qaraxa u dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo lagu adkeynayo ammaanka ka wadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
DAAWO SAWIRADDA:-
Idale News Muqdisho