Daawo Sawirada Xeebta Liido oo dhismayaal laga hirgelinayo iyo damaashaadka Jimcaha

0
234

Xeebta Liido ayaa waxaa xilligan ka socda dhismayaal laga hirgelinayo, iyadoo maalinta jimcaha ay tahay maalinta ugu badan ee loo dalxiis tago, halkaasoo ay ku kulmaan dhalinyaro ka kala yimaada 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo dad ka yimid qurbaha.

Maalinta jimcaha oo ah maalin fasax ah ayaa waxaa Xeebta isugu yimaada dhalinyaro u soo dabaal taga xeebta, kuwaasoo ah ciyaal xaafadeed isku balasada Kubada Cagta, iyo waalidiin caruurtooda wata oo dabaal siiya.

Waxaa Xeebta lagu iibiya, Jalaatada, cabitaanada iyowaxyaabaha mac-macaanka sida Sambuuska, kuwaasoo ay iibsadaan dhalinyarada xeebta u soo dabaal taga.

Laakiin muuqaalka indhahaaga uu soo jiidanayo ayaa ah dhismayaal casri ah oo isugu jiro guryo la dego, Hotelo iyo Maqaaxi la doonayo in laga furo xeebta dhinaceeda, waxaana xilligan uu sare u kac xoogan uu ku yimid qiimaha dhulka ee la iibsado ee ku yaala hareerta Xeebta.

Hadaba Jowhar.com oo maanta oo jimco booqatay Xeebta ayaa waxay idinku soo gudbineysa Sawiro aan ka soo qaadnay xeebta.

Liido beach (33) Liido beach (35) Liido beach (34) Liido beach (29) Liido beach (30) Liido beach (31) Liido beach (32) Liido beach (28) Liido beach (27) Liido beach (26) Liido beach (25) Liido beach (24) Liido beach (23) Liido beach (22)     Liido beach (17)  Liido beach (15)  Liido beach (13)

Idale News Muqdisho