Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay, waxaa maanta ka dhacey banaabax balaaran isla markaana ay dhigayeen taagyeerisyaasa lixd gobol ee koonfur galbeed soomaaliya.
Waxaana lagu diidanaa banaabaxii maaanta maamulka cusub ee seddexda Gobol oo shaley looga dhawaaqey Hotel Bakiiin, islam markaana madaxweyne looga dhigey Maxamed xaaji cabdi nuur oo walaalo dhow yihiin , godoomiyihii hore ee baarlamka soomaaliya , haatana ah mudane ka tirsan baarlamka, DF soomaaliya, shariif xasan sh. Aadan.
Waxaa jirey hal ku dhigyo lagu diidanaa ama lid ku ah maamulka cusub ee seddexda gobol ay ku dhaqaaqayeen banaanbaxiyaasha . banaabaxayaasha ayaa muujinayey midnimada lixda gobol iyo weliba ku go’naanshaha inuu her galo rabitaakooda.
Dowlada soomaaliya , waxay horey u diidey In ay aqoonsato maamulk ka kooban lix gobol, isla markaan waxay doonesyaa, inuu noqdo maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya inuu ka koobnaado 3 gobol oo Kala aha : sh/Hoose, Bay& Bakool .
si kasta ha ahaatee siyaasiyiin wax garad iyo xildhinaano ayaa ku kala aragti duwan arintaasi. waxaana horey magaalaaasi, loo diidey inuu gudaha u galo ama lagu qasbey inuu dib ugu magaalada muqdisho shariif xasan sh. Aadan , ka dib markii mudaaharaaadyo qaatey afar casho ka dhacey magaalada Baydhabo oo loogu soo hor jeedey siyaasada dowlada iyo mid sharif xasan sh. Aadan.
Idale News Online,Baydhabo Janaay.