Daawo: RW,Turkiga oo ku gacan seyray in raalli gelin ka bixiyaan ridistii diyaaradii Ruushka

0
239

Ankara(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davugtoglu ayaa ku gacan seyray inay raalli gelin ka bixiyaan diyaaradii todobaad ka hor ay soo rideen ee Ruushka lahaa, taasoo labada dal ka dhex dhalisay xiisad siyaasadeed iyo in xiriirkooda uu xumaado.

Mr Davugtoglu ayaa carabka ku adkeeyay in Milateriga Turkiga ay shaqadooda qabsanayaan, isla markaana difaacaya hawada dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha midna raalli gelin kama bixinayaan, maxaa yeelay waxaa gudaneynaa waajibkeena”ayuu yiri Davugtolu oo wariyeyaasha la hadlayay kadib kulan uu magaalada Brussles kula qaatay Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg

Ahmet Davutoglu ayaa sidoo kale sheegay Turkiga ay ka rajeynayaan Xukuumadda Moscow inay cunaqabateynta dhaqaale ay ka qaadaan.

Muwaadiniinta Ruushka ayaa dalxiiska ugu badan ku taga magaalada Antalya oo ku caan ah dalxiiska, halkaasoo u ah sida gurigooda labaad ah dadka fasaxa ku jira, hase ahaatee dhamaan dadka Ruushka ayaa lagu amray inay sababo ammaan uga soo baxaan Turkiga

“Ilaalinta Hawada Turkiga, xuduudaha dhamaan waa waajib qaran oo ciidamadooda ay ilaalinayaan, laakiin hadii dhacdooyin aan ula kac aheyn oo mustaqbalka sidan oo kale dhaca, diyaar ayaa u nahay in laga hadlo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Xiisada ka dhex taagan Ruushka iyo Turkiga ayaa sii xoogeysata, tan iyo markii Turkiga uu todobaadkii hore soo riday diyaarad dagaal oo duqeyn ka waday Suuriya, waxaana Turkiga ku andacooday inay ku soo xadgudubtay hawada, halka Ruushkana uu beeniyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here