Wafdi uu hogaaminayo Raysul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa maanta gaarey magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya si ay usoo indha indheyaan khasaarihii kadhashay rabshadihii balaadhnaa ee gilgilay magaalada.
Raysul wasaaraha oo indha indhayntiisii kadib shir saxaafadeed qabtay ayaa ku baaqay in magdhaw lasiiyo dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay rabshadihii ka dhacay Garissa.
Raysul wasaarahu wuxuu sidoo kale cambaareeyay dilkii loo geystay 3 askari oo katirsanayd ciidanka militariga ee Kenya.
‘‘Marka hore waa inaan cambaareynaa toogashadii iyo dilkii xumaa ee loo geystay xubnihii ciidankeena Difaaca Qaranka. Kooxihii ka dambeeyay waa argagixiso waana in lasoo qabto oo talaabo laga qaado,’’ ayuu yidhi Odinga.
‘‘Waxaan amar ku bixinayaa in wasiirka masuulka ka ah Barnaamijyada khaaska uu Bari shaqaalihiisa la yimaado Garissa qiimeeyana khasaarihii ka dhashay Garissa magdhawna la siiyo dadkii ay waxyeeladu kasoo gaadhay,’’ ayuu markale yidhi Raila Odinga.
Hadalka kasoo yeedhay Raysulwasaaraha dalka Kenya ayaa ah mid ay ku farxi doonaan shacabka ree Garissa ee khasaaraha kala duwani kasoo gaadhay rabshadihii ka dhacay Garissa
Raysul wasaaraha waxaa safarka Garissa ku weheliyay Faarax Macali Dawaara iyo mas’uuliyiin kale.
Daawa Booqashii Odinga ee Gaarisa