Muqdisho (INO)-Xildhibaan Prof.Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ahaa Guddoomiyiha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012-2016 ayaa sanadka mar kale rajeynaya inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka Tobnaad Ee Dowlada Soomaaliya.
Waxaana dadka siyaasada la socoda ay sheegeen in Musharax Prof.Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari uu ku fashilmey mudadii 4 sano ee la soo dhaafey Hogaaminta iyo Hakameynta Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.
Qodobada Xasaasiga ah ee la sheegey inuu ku fashilmey Prof., Jawaari waxa ka mid ah:
- Aboodii Baarlamanka oo uu ku wareejiyey Hogaamiyaasha Mashada Wadatashiga Qaran.
- Xildhibaanadii oo u diidey in amaankoodu la sugo isla markaana taasi waxay sababtey in la dilo 32 Mudane oo ka tirsab Baarlamanka Jamhuuriyada Federalka Ee Soomaaliya.
- 7 Bilood ee Ugu dambeysey oo la sheegey inuu leexsadey Mushahaarka Mudanayaasha Baarlamanka.
- Aboodii Baarlamanka oo ku wareejiyey madaxtooyada Soomaaliya, taasoo muujineysa inuusan markale qaban karin Gudoonka Baalamanka.