Daawo: Odayaasha KGS Oo Soo Dhaweeyey Kala Dirista Baarlamanka Jubba iyo Maamulka Cusub Ee Gobolka Bay

0
227

Baydhabo(INO)-Odayaaasha dhaqanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo  shir Ja’aarid ku qabtey magaalada Baydhab ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Taagyeerey Go’aanka Baarlankan Soomaaliya oo ay ku kala direen Baarlamanka Maamulka Jubba  iyo weliba Maamulka Cusub ee Gobolka Bay iyo Kan degmada Baydhabo.

kaskey

Odayaasha dhaqanka ayaa  waxa ay sheegeen in baarlamanka Soomaaliya ay guteen shaqadii loo egmadey isla markaana cidii ka soo horjeesato ay u arkaan kuwo diidan xasilooni ka dhalata dalka soomaaliya isla markaana waxay  ku baaqeen in la  taagyeero Go’aanka Baarlamanka Soomaaliya ay gaareen.

Sidoo kale Odayaasha waxay si kal iyo laab ah ay u soo dhaweeyeen  Magacaabista maamulka  Cusub Ee Gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo oo ay badan yihiin rag dhalanyaro ah isla markaana la tuhunsan yahay inay wax weyn ka bedeli karaan arimaha Gobolka.

Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here