Daawo Muuqaal “Dalka Sweden oo xiligan fursad siinaya dadka Mashaqeestayaasha ah ee ku Nool Sweden!

0
224

Dalka Sweden oo ay ku nool yihiin malaayiin Ajaanib ah ayaa xiligan fursad u siinaya dadkaasi in ay helaan shaqooyin ay kow ka tahay jarista dhirta, maadama dalkani uu yahay dal caan ku ah dhoofinta Alwaaxada.

Magaalada Vilhelmina ayaa xiligan bilowday sidii ay tababar ugu furi lahaayeen dadka aan iyagu wali ku soo biirin suuqa shaqada sida kuwa dalka ku cusub, waxaana arrinkan isu xil saaray Xafiiska Shaqo abuurista ee dalkan Arbeteförmelningen iyo qaar ka mid ah shaqo bixiyayaasha dhinaca dhirta ee dalkan Sweden.

Saddexdii Saac ee saaka ayay ahayd markii tababar loo furay dad aan ka mid ahay oo isdii ay dalkan u yimaadeen aan shaqo kow kasiin, waxaana naloo sheegay in aan qaadadnayno tababar soconaya muddo 3 bilood ah, kaddibna aan imitixaan u gali doono shaqadan jarista dhirta.Hoos

Dalkan Sweden waxa uu ka kooban yahay 41 milyan oo Higtar dhulkiisu, 28-deed ka mid ah waxa weeye dhir (Geedo), waxaana xiligan furmay suuqa ka shaqeynta dhirta oo dadku aysan hore u heli jirin.Tababarka ayaa waxaa ka mid ah in la baranayo sidi dhirta loo jaro oo casri ah ee naan lagu jareyn Gudin (Faas).

[vsw id=”FGacSoJ4fI8″ source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Dadka Tababarkan qaadanaya oo ay ku jireen Soomaali iyo Ajaanib kale oo ka timid magaalada Doretea oo dhowr KM u jirta Vilhemina ayaa intooda badan maanta muujiyay kalsooni ah in ay shaqadaas qaban karaan, waxaana la tusay qeyb ka mid ah qalabka la barayo ee ay ku shaqeyn doonaan haddii nasiibku saacido.

Idale News Muqdisho