Daawo: Musharax Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Lafta-Gareen Oo Siweyn Loogu Soo Dhoweeyey Baydhabo

0
208

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Musharax u Taagan Xilka Xildhibaanimo Qaranka Soomaaliya Kuwaas oo Dhowaan La Filaayo in Lasoo Xulo.

Musharxa Xildhibaan oo lagu Magacaabo Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Maanta Soo Gaarey Magaalada Baydhabo Waxaa Garoonka Magaalada Baydhabo Ku Soo Dhoweeyey Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Iyo Odayssha Dhaqanka Ururada Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan Sida Haweenka Dhalinyarada Saraakiisha Ciidamada Qeebagooda Kala Duwan.

Soo Dhoweynta Musharaxa Xildhibaan Inta Badan Looma Kala Harin Waxaana markii Uu Soo Gaarey loo Galbiyey Guriga uu Ka Daganyahey Magaalada Baydhabo.

Qaar Ka Tirsan Dadkii Soo Dhoweyntiisa Ka Qeyb Qaadanayey Ayaa Hadalo Kakooban Ka jeediyey Waxeyna Dhamaantood Ay Wada Sheegeen In ay Taageersanyihiin Musharax Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen) oo U taagan In Uu Ka Mid Noqdo Xildhibaanada La Soo Xulaayo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Shacbaan Dhagacade oo Ka Tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Wuxuu Dhankiisa Ka Sheekeyey Waxqabadkii Musharax Xildhibaanka Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen)  Shacabkana Ugu Baaqey In ay taageeran Maadaama uu sheegey In uu Yahey Mid Qabaqan Karo Xilkaasi.

Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen) oo u Taagan In uu Ka Mid Noqdo Baarlamaanka Cusub Ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Wuxuu u Mahadnaqeyn Ugu Horeyn Dhamaan Dadkii Ka Qeyb Qaatey Soo Dhoweyntiisa Isagoona Xusey In Uu La Imaan Doono Wax-qabad ay Ku qancaan Doonaan Shacabka.

Musharaxa Xildhibaanka Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen) Wuxuu Xilal Kala Kala Duwan Ka Soo Qabtey Dowlada Kumeel Gaarka ee Dalka Soo Mareen  oo laga Soo Xasuusan Karo Waxqabadkiisa Shacabkana Wax Badan Oo Lataaban Karo Ugu Qabtey wuxuu ka mid ahaa, Musharax Xildhibaan Mudane Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen).

Halkan Ka Daawo Sawiro

050607080902030405

 Wariye Maxamuud Ibraahim Timacade