Daawo: Musharax Taagyeero Xoog Leh Haysta Oo Baydhabo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyey

0
196

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxaa ka bilowday Ololaha musharixiinta Daneyneysa Ka mid Noqoshada Baaarlamaanka Federalka Soomaaliya Ee Doorashada 2016.

Xili Magaalada Baydhabo looga diyaargaroobayo Doorashooyinka mudanayaasha Baarlamaanka Federalka soomaaliya ayaa magaalada waxaalaga dareemayaa  Ololaha dadka u sharaxan  Baaarlamaanka Federalkasomaaliya Ee 2016.

Dr. Xasan Cabdi Nuur ayaa manta ololihiisa musharaxnimo lagu soobandhigay magaalada Baydhabo kadib markii uu kasoo degey Garoonka Dayuuradaha Ee Baydhabo halkaasoo sidiiran ay ugu soo dhaweeyeen Dadweyne aad u tira badAN ayadoo magaalada gaadiidkii lagu soodhaweynaayey musharaxa sucod kumareen wadooyinka magaalada.

Intaa kadib Musharax Dr. Xasan Cabdi Nuur  ayaa dad weynaha la hadlay waxaana uu kacodsaday in ay doortaan isagoo dhankiisa balanqaaday in dhanka horumarka waxkaqabandoono.

Ugu dambeyntii, Waxaa hadalka musharax Dr Xasan Cabdi Nuur  soo dhaweeyey dadweynihii  halkaasi ku sugnaa.

Halkan Ka Daawo Sawiro

010203040506070809