Daawo: Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayey Xildhinaanada Cusub Ee Beesha Geelidle Oo Lagu Qabtey Baydhabo

0
241

Baydhabo(INO)- Xili Doorashooyinka BFS Ee Aqalka Hoose ay ka soconayaan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta KMG Koonfur Galbed Soomaaliya isla markaana wejigiisii koowaad uu soo geba geboobay Maalinimadii Shalay ayaa Maanta Magaalada Baydhabo meelaha qaar waxaa ka dhacaya Munaasabado lagu soo dhaweynaayo Qaar kamid ah Xildhibaanada Cusub ee ku soo baxay Doorashooyinka Aqalka Hoose Ee BFS 2016.

Halkan Ka Daawo Video


Munasabadan ayaa ah mid lagu taageraAyo Xidhibaanada Cusub ee Beesha Geelidle ee ku soo baxay doorasooyinka oo lagu kala magcaabo Samara Ibrahim Cumar iyo Mudane Xasan Cabdunuur Cabdi.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano, Odayaasha Dhaqanka ,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,Dhalinyarada Iyo Haweenka Beesha Geelidle kuwaasoo dhamaandood munaasabada ka hadlay ayaa muujiyey taageerada ay u hayaan Xildhibaanada Cusub soona dhaweynaayaan isbedelka ay keeneen ergoyinki doortay Xubnahan cusub ee deegaaanka Umatalidoona Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka Ka hadlay Xildhibaanada Cusub ee munaasabada Lagu taageeraayey Samara Ibrahim Cumar iyo Mudane Xasan Cabdunuur Cabdi.

Halkan Ka Daawo

01020304050606070809101112131517Wariye Abshir Maxamed Nuur, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo