Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa maanta Lagu soo Gebo gabeeyey xaflad gaar ah oo loo sameeyay xildhibaanadii dhowaan la doortay.
Munaasabadan ayaa ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay waxaana si nabad galyo ah shahaadoyinka aqoonsiga xildhibaanimadda loogu gudoonsiiyay mudanayaal dhowr ah oo ka mid ahaa kuwii hore gudiga xalinta khilaafaadka ay xayiraada xilhibaanimo u saareen.
Guud ahaan Munaasabadu waxaa fadhiyay 77 mudane oo ay ku jireen shanti mudane ee loo diidanaa aqoonsiga. Xildhibaana ilaa hada la gudoonsiiyay waxay ahaaayeen:-
- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed /Mirifle / Macalin Weyne/Heejooy
- Nadiifo Aaden Isaaq/ Digil/5ta Caleemood/ Barbaare
- Muna Khaliif Sheekh Abuu Digil/ Tunni/Daaqtire
- Samra Ibrahim Cumar/ Mirifle/Geelidle/ Hibiloowe Wardheere
- Maxamed Saciid C/laahi Digil/ Bagadi/Abaasaad
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Abshir Maxamed Nuur, Idale News Online, Baydhabo