Daawo: Midowga Ardeyda KGS Oo Waxbarasho Soconayso Mudo Bil Ah U Furey Ardey Dhameysatey Dugsiyadda Sare Ee Baydhabo

0
283

Baydhabo(INO)-Midowga Ardayda Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee wax ka barta Jaamacadaha Muqdisho Ku yaalla  iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo oo ay kaashanayaan Jaamacadda USS ayaa  si wada jir ah maanta u furay Waxbarasho kor u qaadis Aqoonta Ardayda soo dhameysatay Dugsiyada Sare ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxbarashadaasi oo ah mid lacag la’aan ah  Isla markaana ay socon doonto Mudo bil ah waxbarashadaas oo Leh  qaybaha kala duwan ee maadooyinka Cilmiga Science-ka iyo Social-ka

Munaasabadda daah furka  ee Maanta Waxa Ka Qiib galey, Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo,Mudane Cabdulahi Cali Maxamed (Watiin) , Ardey iyo Marti Sharaf kale oo halkaas Lagu Casuumey.

Mas’uuliyiinti Ka Hadashey Xafladda Furintaanka Ee Deeqda Waxbarasho ayaa waxay si wada Jir ah ugu Sheekayeen Ahmiyadda Waxbarashada Iyo qof waxbartay Meesha uu kaga Jiro kaalinta Bulshadda, waxayna Ku dhiira galiyeen Ardeyda Loo furey Waxbarashadda Lacag la’aanta ah inay Ka Faa’ideystaan Fursadda Maanta ayna Muujiyaan Dadaalo iyo Tartan Cusub.

Ugu dambeyntii, Waa Markii Ugu horeysey Oo Midowga Ardeyda Degaanadda KG Soomaaliya ay Sameeyeen Barnaamij Noocan Ah isla markaana,waxa Lagu Amaaney Ka Fekirka Ayaahaya Umaadda KG Soomaaliya.

Halkan Ka Daaawo.

Idale News Online,Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here