Daawo: Natiijada Golaha Deegaanka iyo cida noqoneysa Mayor Magaalada Saylac oo dood kulul ka dhex dhalisey gudaha Somaliland

0
289

Doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacdey Somaliland ayaa beelaha wada dega degmada Saylac midba dhankiisa sheegtey inuu isugu ku guuleystay doorashadii Mayor Magaalada Saylac


kulan adag oo dhexmaray galabta madaxdhaqameedka Beelaha Samaroon iyo waftigii xukuumada ee uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Saylici, oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye , wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee guurtida iyo wakiilada ,ayaa ku soo dhamaaday natiijo la, aan ka dib markii labada dhinac isku mari waayeen qodabkii ay ka wada hadlayeen ee rukunka u ahaa waftiga uu horkacayay Madaxweyne ku xigeenka.


Xaaji Cabdi Waraabe oo ka mid ahaa xubnihii xildhibaanada ee ka hadlay madashaasi,ayaa waxradka beelaha Awdal u soo bandhigay inay ka tanaasulaan, gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Saylac,oo u daayaan Beesha Saylac,Balse waxa hadalkaasi si adag uga horyimi xubnahii isugu jiray waxgaradka iyo madaxdhaqameedka beesha Awdal,kuwaasoo cadeeyay inaanay marnaba ka tanaasulayn Maayirnimada Saylac.

Markii doodii laysku mari waayay ,ayaa madaxweyne xigeenka Somaliland soo xidhay shirkii, loona balamay in aroorta dib layskugu soo noqdo.

ma jiraan warar rasmi oo ka soo baxay labada dhinac, madaama saxaafadu dibad joog ka ahayd shirkaasi.

mudaharaadyo bulshada Boorama kaga soo horjeedo arinta Saylac, ayaa maanta ilaa shalay ka dhacayay magaaladaasi , islamarkaana ay laba qof ku geeriyoodeen halka afar kalena ku dhaawacmeen.