Istanbul (INO): Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Teyip Erdogan ayaa si kulul ula hadley koox diblamaasiiyiin shisheeye oo ka socota Safaaradaha Midowga Yurub kuna sugan dalkiisa, kuwaas oo ka qeyb galey dacwad loo haystey labo wariye (journalists) oo ka tirsanaa wargeyska Turkiga ka soo baxa ee Cumhuriyet bishii March 25keedii.
Erdogan ayaa yiri: “Shaley waxaa jirtay dhageysiga dacwadii Tafaftirihii aad wada garaneyseen ee Wargeyska Cumhuriyet Mr Can Durdur oo ku eedeysnaa qoraal meel ka dhac ah iyo inuu bixiyey information xasaasi ah”
Madaxweyne Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Waxaa muhiim ah inaan xuso, dacwada waxaa ka qeyb-galey diblamaasiiyiinta midowga Yurub ee Istanbul fadhida, Yey is moodeen? Maxayse halkaasi u tageen”
“Diblamasiyadu waxay leedahay akhlaaq ama Nidaam la raaco. Dalkaan ma ahan dalkiina, Dalkaan waa Turkiye, Haddii nidaamka diblamaasiyadeed aad ku shaqeyn weysaan, waxaan xadideynaa dhaqdhaqaaqiina, permission ama ogolaansho ayaan idinku soo rogeynaa” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Erdogan.
Dundur iyo Gul oo ah wariyeyaal u dhashey dalka Turkey ayaa bishii Feb 26keedii waxay maxkamada dastuuriga dalkaasi ku sii daysay pending trial (dib u dhigis dacwad). Waxaana labada wariye ay ku eedeysnaayeen inay bixinayeen information sir ah iyo meel ka dhac ay u geysteen hay’adda sirdoonka qaranka ee dalkaasi ee lagu magacaabo (MiT) , taasoo aheyd in ay hub sharci daro ah u gudbinaayeeen mucaaradka dowlada Siiriya la dagaalama.
Bishii Febraayo 26keedii ayaa masuul u hadley Maxkamadda sheegay in 92 cisho oo wariyeyaashu u xirnaayeen dembi lala xiriiriyey argagixnimo uu yahay xadgudub (voilations of rights). Waxaana go’aanka maxkamda sare si xun u wada dhaleeceeyey xisbiga talada haya ee AK party iyo Madaxweyne Erdogan oo sheegay in maxkamadu isticmaaleen awood xad dhaaf ah oo sharcigu siinin oo halis ah. Waxuuna Madaxweyne Erdogan mar sii horeyseyna diidey tixgelinta go’aanka Maxkamada Dastuuriga ay ka gaartey arrintaas.
Hase ahaatee, bishii March 25keedii oo maxkamada mar kale u fariisatay dacwada wariyaashan ayaa ogolaatey codsi Madaxweyne Erdogan iyo Hay’adda Nabadda dalkaasi u soo gudbiyeen kaasi oo ahaa in Maxkamad albaabada u xiran yihiin la soo taago wariyeyaashi. Waxaana go;aankaasi uu keenay in dibada looga saaro qareeno badan oo u doonaayey wariyaasha iyo masuuliyiin kale.
Idale News Online, Istanbul, Turkey