Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Xaley Madaxtooyada Xaflad Soo Dhaweyn ah Ugu Sameeyey Wefdi Caalami ah oo Ka Socoda Dowlada Taliyaaniga Kuwaasoo Doonaya in Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka Fuliyaan Mashaariic kala duwan isla markaaana waxay ka qiib qaadanayaan Dhismaha Jaamacadda Koonfur Galbeed Soomazaaliya oo maaalintii shaley la dhagax dhigey.
Dowlada Taliyaaniga ayaa waxay horaantii sanadkan Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu deeqdey Radio FM ah oo ku hadla Afka Dowlada Kaasoo hadda si weyn looga dhageysto Magaalada Baydhabo iyo Nawaaxigeed.