Kismaayo (INO) __Maamulka Jubba ayaa billaabay inuu u samaysto Dadka kasoo horjeeda Xabsi weyn oo uu ku jirdilo markii ay Ciidamada Jubba soo qabtaan.
Xabsigan oo ka duwan kuwa kale ee ku yaalla Kismaayo ayaa waxaa laga dhisayaa dacalka Xeebta Kibooro halkaasi oo Ciidanka Kenya dusha ka ilaalin doonaan, si aysan Maxaabiista Siyaasadeed uga soo baxsan.
Kadib markii ay buux-dhaafiyeen Dadka ugu xiran Xabsiyada Kismaayo, ayuu Maamulka Jubba amray in si deg deg ah loogu dhiso Xabsigan Cusub, oo la sheegay in uu lamid noqon doono Xabsiga Guantanamo Bay oo Maxaabiista Koronto loo adeegsan doono Jirdilkooda.
Dadka u xiran Maamulka Jubba ayaa u badan Odayaal, Ganacsato & Dhalinyaro kasoo jeeda Beelaha Maamulkiisa dhaliilsan, ee deggan Kismaayo kuwaasi oo qarkooda isaga soo cararay Magaaladaasi markii noloshooda khatar gashay.
Suldaan Luga-dheere, oo ah ku xigeenka Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa dhagax-dhigay Xabsi laga dhisayo dacalka Xeebta Kibooro, wuxuu sheegay in Xasbi uu ka duwanaan doono kuwa hadda ku yaalla Kismaayo, islamarkaana lagu xiri doono Dad gaar ah.
Ugu dambeyntii Tan iyo 2012, Kismaayo waxay ahayd Goob Qabiilka Madaxweynha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ku amar-taagleeya, oo cidii kadaba hadasha la dilayo ama Xabsi loo tabaaxayo, waxaana taasi keentay in Magaalada ay Dadkeedii deganaa ka haajiraan.
Idale News Online – Xafiiska Kismaayo