Daawo: Maamulada Degmooyinka Marka iyo Afgooye Ee G/Sh/Hoose Oo Lagu Dhawaaqey +Magacyada Gudoomiyaasha

0
248

Afgooye(INO)-Waxaa Maanta Lagu Dhawaaqey Maamulka Cusub Ee Degmooyinka Afgooye iyo MarkaCadey Ee Gobolka Shabellaha Hoose, Iyadoona Xafladaasi Uu Joogey Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro Ka Tirsan Dowladiisa, Xubno Ka Socodey Dowlada Dhexe Ee Federalka Ee Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka KGS Ee Gobolka Shabellaha Hoose Iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolkaasi.

xaflada

  • Gudoomiyaha Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose Ayaa  waxa Loo Magacaawey Cabdi Qani Yuusuf Axmed Oo Ka Soo Jeeda Digil/Galadi/Tol-Weyne.
  • Gudoomiyaha Degmada MarkaCadey Ayaa Waxa Loo Magacaawey, –Xasan Cumar Macalin Abiikar Dir/Biimaal, Iyadoona Beelaha Habar-Gidir, Abgaal iyo Muransade iyo Wacdaan Cusmaan Ay Heleen Jagooyin  Badan Oo Laga Siyey Degmooyinka Afgooye Iyo Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose

Waxaan Idin Soo Gudbin Doonaa Warqadii Magacaawista Goordhaweyd, iyadoona Ku Qaran Dhamaan Magacyadda Ragga Maamulada Degmooyinka Marka Iyo Afgooye.

Hlkan Ka Daawo Sawiradda Maanta

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here