Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Waxaa Maanta Lagu Soo Gabagabeeyey Kulan Ay Gudiga Doorashooyinka Heer Maamul Gobaleed, Odayaasha Dhaqanka Ay Ku Barayeen Qaabka Doorashoyinka Ay Uga Qeyb Qaadan Lahaayen.
Waxaana Sidoo Kale Odayaasha Dhaqanka Kulanka Lagu Barayey Stp-ka Ama Hababka Kala Duwan ay doorashada Dadban Loo Maraayo Maadama Ay yihiin Odayaasha Dhaqanka laga maar-maarna ay tahey, kaalintoodi ay ka qaatan Doorashada Haatan La Filaayo in ay Ka Dhacdo Dalka.
Waxaana Sidoo kale Gudiga Doorashooyinka Haatan ay Shegeen in ay diyaariyeen goobihii ay doorashada ka dhici laheyd Gudigoodina mar waliba ka howlanaan doono sidii ay ku qaban la haayeen shaqo bulshadaan degta koonfur galbeed ay ku qanacsanyihiin.
Odayaasha Iyo Gudiga Doorashooyinka Kulanka Magaalada Baydhabo ugu soo gabagaboobey waxey ay sheegen in Sanadkaan Wadanka Soomaaliya ay ka dhici doonta doorasho Ka duwan tii ay dhacdey Sanadkii 2012kii, Qodobkaasina Wuxuu Ka Mid ahaa Casharadii La Barey odayaasha Mudada uu Usocdey Kulankaan.
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Mursal Wuxuu Ka Gudoomiye ahaan Uu Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshadaba Ka Codasdey In Gudiga ay Garab Istaagaan Si Howshooda Allaah Ugu Ceybeynin Doorashadaana Ay U Dhacdo Sidii Sanadkaan Loogu Tala-galey.
Ugu dambeyntii, Gudoomiye Ku Xigeenka Giga Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo yaasiin Oo Mudooyinkii Kulanka Socdey Ka Qeyb Gashey Waxey Sheegtey odyaasha Dhaqanka Ka Codsatey ayna Ku Boorisey Maadaama Ay yihiin Odayaashii usoo hal-gamey wadankaan meeshaana ay soo gaarsiiyeen.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Maxamuud Ibrahim Timacadde, Idale News Online, Baydhabo