Baydhabo(INO)- Mashruuc Samafal ah oo baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameeyey kumannaan qof oo ka mid ah dadka taagta-daran ayaa Socoda Xurunta Kaamil Medical Centre Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Dr Shine iyo iyo Takhaatiir kale ayaa isbitaalka Kaamil ee magaalada Baydhabo hawlo Hindhafiiqis,toosin iyo biyakaxirin kabilaabeeen Magaaalada Baydhabo iyadoo isdiiwaaan gelintu gebagebo mareyso.
Sannadka soo socda ee 2016-ka ayuu la sheegay inay u qorsheysan tahay inay si bilaash indhaha ugu fiiqaan dad gaaraya 5,000-qof oo ku kala sugan gobolada dalka qaarkood,
Barakacayaasha ah iyo dadka dan-yarta ah ee sida lacag la’aanta ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah qaarkood oo saxaafada la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, waxayna u mahad celiyeen Isbitaalka Kaamil iyo hey’adihii kale ee gacanta ka geystay howshan.
Ugu dambeyntii, Mashquul fara badan ayaa mudooyinkan laga dareemayey Xarunta Kaamil Medical Centre, waxaana soo buuxiyey dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo , iyadoo shaqaalaha isbitaalka Kaamil ay wadeen howlo ay ku diyaarinayaan bukaanada qaliinka loo wado, kuna baxnaaninayaan kuwa indhaha loo fiiqay.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo