Daawo:Tababar Ku Saabsan Maamul Wanaaga Oo Loo Furey Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka KGS

0
232

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, waxa ka furmey Tababar ku saabsan Maamul wanaaga oo loo qabtey Dhamaan Maamulada Gobolada Iyo Degmooyinka Ee 3da Gobolada Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasanada Furitaanka waxa ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid  C/Laahi LFC , Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin  iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose  C/qaadir Nuur Sidii iyo Wasiirka Hubka Dhigista, Dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed  ahna Ku simaha wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoosee .

“Barnaamijkaan wuxuu ku saabsan yahay  maamul wanaaga ,waxaana loo qabanaya  Gudoomiyaasaha Gobolada Iyo Degmooyinka KGS  sadex  beri ayuu  socdoona barnaamijkani,  runtii waxaan filayaa in wax badan laga faa ‘iideeysan doono oo ku saabsan maamul wanaaga iyo dowladnimada ” ayuu yiri  Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid LFC.

Wasiirka Hubka Dhigista, Dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed  ahna Ku simaha wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoosee Dowlad KG soomaaliya  ayaa  kula dar daarmay xubnaha ka qeyb galaya Tababarka ineey noqdaan kuwa ka faa;ideeysta waxa la baranayo  siminaarka ee la xariira maamul wanaaga iyo dowladnimada isagoo dhinaca kala uga mahad celiyay Hay’ada TIS/USAID.

Ugu dambeyntii, Tababarkan  ayaa waxaa iska kaashadey Hay’ada TIS/USAID iyo wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, dhamaan mas’uuliyiinti ka hadsahey Furitaanka tababarka  waxay ka sheekeyeen Ahmiyadda Maamul wanaaga.

Halkan Ka Daawo:

DSCF0231DSCF0232DSCF0233DSCF0235DSCF0237DSCF0244DSCF0250DSCF0253DSCF0256DSCF0257

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here