Baydhabo(INO)- Hay’ada Gargaarka Ee Arlaada Aid oo ah Hay’ad dadka Soomaaliyeed ka caawiso dhinacyada Nolosha ayaa waxay soo bandhigtey maanta markii ugu horaysey wax qabadkeeda mudadii ay jirtey iyaga oo muuqaalo ka soo diyariyay dhamaan talaabooyinkii ay dhaanka horumarka ka sameyeen.
Hay’adan oo dadka ka caawiso dhinacyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, shaqooyinka iyo horumarka dhalinyarada ay soo bandhigeen iskuulo ay ka hirgaliyeen gobolada Bay iyo Bakool, waxay ay soo bandhigeen Biyo qeybin baaxad weyn oo ay deegaanada qaar ka sameeyeen iyaga oo Balan qaaday qodista ceelasha biyaha oo Matooro ay saari doonaan,taas oo dadka ka sasari doonaan dhibaatada biyo la’aaneed ee jirta.
Waxa ay walaac ka muujiyeen dhibaatada waxbarasho, iyo shaqo, la’aaneed ee ka jirta deegaamo badan oo dalka Soomaaliya ku yaala gaar ahaan Goboladda Bay Bakool iyo Shabellaha Hoose oo xaalada waxbarasho, mida Caafimaad iyo tan Biyo la’aaneed ay tahay mid aan xal loo helin.
Madaxda ayaa ka sheekeeyeen Marxaladihii qaraaraa ee uu dalku soo maray gaar ahaan gobolada Konfurta Soomaaliya iyo raadadkii xumaa ee ay abaartii 2011 oo wali aan xal loo helin.
Dhinacyada Beeraha iyo qalabka wax lagu fasho waa kuwo aad baahi loogu qabo una bahan in loo kaco lakin waxa ay mujiyeen in Arlaada Aid ay tabartooda ku dhaqaaqeen kuna sii socon doonan oo ay Ceelasha Biyaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka ay diirada saari doonaan.
Kasoo qeybgalayaasha ayaa aad ula dhacay waxqabadkii mudada gaaban ee Arlaada Aid ay soo bandhigeen, iyada lagu booriyay in aysan ka caajisin wax qabadkooda, Tusaalana u noqdaan ururo iyo hay’ado badan oo lumiyay Kalsoonidii shacabka kadib markii ay wax is dabo mariyeen ay sameeyeen.
Si kastaba ha ahaaatee, Dhawaan waxa ay deegaanada qaar sida ay shegeen geeynayaan Deeqo qalab caafimaad iyo dhaqaalo dadka lagu caawimayo biya dhaamintii ay sameyen waxay ka heleen qibrad ku dhiirogalisay in ay qodaan ceelasha riiga looyaqaan ama matoorka, oo dhaaan ay ku rajo weynyihiin.
Ugu dambeyntii, Dad badan oo kaga yimid gobolada dalka maraykanka iyo Canada ayaa aad ugu riyaaqay talaabada ay Gargaar ee ay sameeyeen Arlaada Aid.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Ohio