Maalintii shaley oo ku beegneyd 12 December 2012 ama 12:12:12 ayaa dad badan oo dunida ku nool ay sugayeen in guurkooda ku soo beegaan Taariikhda la wada xusuusan karo ee 12:12:12. TV caalamka ayaa soo gudbiyey aroosyo dunida dalacadeeda ka dhacey, waxaase la yaab ku noqotey dadka Soomaaliyeed ee dunida ku nool gaar ahaan dalka Sweden arrin ugub ku ah dadka Soomaaliyeed markii ay arkeen gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faadumo Cumar Maxamuud iyo lamaanaheena Swedish oo lagu magacaabo Lars Higander oo arooskooda ka qeyb ahaa fantasiyahaasi.
Arinta xusida mudan ayaa ah in Faadumo ay aad ugu faraxsanayd ninka ajanabiga ah ee aan la diinta ahayn ay guursanayso.Bal nala daawada dhacdadan ugubka ah halkaa ka daaw video: http://www.sn.se/nyheter/nykoping/1.1636232
Idale News Muqdisho