Daawo: Gudoomiye Ku Xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Baydhabo Oo Kormeerey Xeryo Qaxooti

0
264

Baydhabo(INO)-Godoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Ee degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay  Mukhtaar  sharma arke Garas ayaa maanta kormeerey xarooyinka qaxootiyaasha kala ah

  •  xarada beledul AMiin.
  • xarada towxiid &
  • xarada Gargaar .

Godoomiyaha ayaa wuxuu  soo indha indhayeeyey xarun walbaba sida  adeega nolosha loo baahan  yahay ay uheshey  sida biyaha cunnada & waxbarashadaba godoomiyaha ayaa markii uu kormeerka dhameeyey ayuu warbixino ka dhageestey massuuliyiintii xarooyinka ka dibna meelfagaaro ayuu ugu qudbeeyey.

“annaga waan aragney dhibaatada idin haysata dhinac walbaba balse dhibaatadaan waxaa laga baxi karaa marka aad beerahiina abuurattaan ayaa baahida kabaxikartaan lakiin inta hay ‘ad s gacantooda ku jira aad sugeysaan baahi lagama baxaayo” ayuu yiri Garas.

” tan kale waxaan maqlaayey xaradda beledul Amiin xarunteeda waxbarashada ayaa macalimiinteeda waxaa mishaarka siinayey hay adda INTEROSOS weyna ka jaratey ayagana waxbarashadii wey joojiyeen maxaad ujoojiseen hadii mishaarka lajarey waxaa la idin ka baahnaa  in aad waxbarashada sii wadaan lacag la aan ku shaqeeysaan caruurta waa caruurtiina markaas hadii la ogaan lahaa in aad lacag la aan waqtidheer ku shaqeyneysiin hay addo kale ayaad gargaar ka heli laheedeen” ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha .

Ugu dambeyntii, godoomiyaha ayaa warkiisa kusoo dhameeyey in uu baahidooda sida uu ku dabooli lahaa in uu hay’adaha gargaarka & dowladaba baahidooda gaarsiindoono gargaarada ugu horeeya in ay helidoontaan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here