Daawo: Maamulka Jubba Oo Ka Noqdey Hadal Ka Soo Yeerey Wasiirad Ka Tirsan Maamulkaasi

0
205

Kismaayo(INO)-Kuxigeenka hogaamiyaha maamulka Jubba Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil Fartaag”oo warbaahinta kula hadlay gobolka Gedo ayaa sheegay inay  maamul ahaan ka tirsanyihiin dowlada federaalka Soomaaliya aysana jirin meel calanka Soomaaliyeed lagu gubay.

fartaag

” Wararka dhowaanahaan ay qorayeen websiteyada waa kuuwa aanay waxba ka jirin, dad cadowga Jubba ah ayaa ka dambeeyay, calanka anaga waxaan aaminsanahay innaan leenahay calana lama gubin” sidaas waxaa yiri Fartaag.

Mar uu ka hadlayay hadal kasoo yeeray haweenayda ugu magacaaban maamulka Jubba wasiirka haweenka iyo qoyska oo ahaa inay ka maamul ahaan aqoonsadeen maamulka Somaliland! ayuu Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ”Fartaag” ku xigeenka hogaamiyaha Jubba sheegay inaysan raali ka ahayn kala go’a jamhuuriyadda Soomaaliya.

”Hadalka kasoo yeeray hal qof ama shaqsi raali gelin baan ka bixinaynaa” sidaas waxaa yiri Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ”Fartaag” oo ugu magacaaban maamulka Jubba madaxweyne kuxigeenka 1aad.

Hadalka kasoo yeeray madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubba ayaa kusoo aadayo xili dhowaan la sheegay in calanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya lagu gubay magaala madaxda gobolka Jubbada Hoose  ee Kismaayo.

Halkan Ka Dhageyso.


Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here