Daawo: Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati Ee Baydhabo Oo Si Casriyeysan Loo Dhisayo

0
163

Baydhabo(INO)– Kormeerkan maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ay ku sameeyeen wasiirada gadiidka iyo duulista hawada ee  DF soomaaliya iyo kan koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid loogu kuur galayay qaabka uu u shaqeeyo garoonka iyo sidii dayactir loogu sameyn lahaa qeybo ka mid ah garoonka diyaaradaha oo bur bur uu ka muuqdo.

Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Cali Axmed Jaamac Jangali oo booqasha ku jooga Magaalada Baydhabo kormeerka ku wehelinayay wasiiru Dowlaha wasaaradiisa ayaa waxay kormeereen ranweynga diyaarada ay ku socoto iyo qeybaha kale ee garoonka.

Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo garoomada  Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Black ayaa hadal ka jeediyey gudaha garoonka waxaa uu soo dhaweeyay xubnaha u hogaaminayay wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee DF S.

Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa dhankiisa sheegay in Koonfur Galbeed Soomaaliya uu waxbadan ka qabtay garoonka,dhowaana sida uu sheegay uu ka mid noqon doono garoomo dib u hagaajin lagu sameyn doono.

Ugu dambeyntii,  Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa lagu sameynin wax tayactir ah tan iyo burburkii dowladii dhaxe ee Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiro

010203