Daawo: Ganacstada iyo Culumaa’idiinka Baydhabo Oo Ka Shirey Sidii Gurmad Loogu Sameyn Lahaa Dadka Saameysey Abaarta

0
187

Baydhabo(INO)– Kulankan oo ay Ganacstada iyo Culumaa’udiinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay uga hadleen  abaaraha ku dhuftay  gobollada Koonfur Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeesheen  nolosha dadka  iyo duunyada, iyagoo  ugu baaqay bulshada KGS,  Ganacsatada Gobolka in ay  ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynaya abaaraha  ka jira  Degaanada KG Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimada KG Soomaaliya, Ganacsato iyo Waxgarad. waxaana intii uu socday  kulanka  diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee looga  qeyb qaadan karo gurmadla loo sameynaya dadka iyo duunyada ku nool gobollada ay ku dhufatay abaaraha.

Sheekh Xasan Ibrahim C/laahi (Sh. Xasan Gaab) oo isna ka hadlay ayaa  ku booriyay Umadaha muslimiinta iyo Ganacsata inay  soo caawiyaan  dadka

Ugu dambeyntii, 2011kii ayey aheyd markii abaaro nuucaani oo kale ay ku dhufatay qaar ka mid ah gobolada dalka, taasoo waxyeleysay dadka iyo duunyada.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Idale News Online, Baydhabo