Daawo War-Saxaafadeed: Dowladda KGS Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqdey Inay Taagyeeraan Go’aanka Baarlamanka Soomaaliya

0
231

Baydhob(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay Go’aankii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay Go’aanka uga gaareen Golaha Wakiilada  Maamulka Jubba.

nadara

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowadda  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay Go’aanka uga gaareen Golaha Wakiilada Jubba.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada Jubba si aan Sharci aheyn horay loogu soo Xulay islamarkaana uu Go’aankaasi uu ahaa mid Aad u wanaagsan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay Kalsoonida kala laabtay Golaha Wakiilada Jubba,iyadoo 132 Xildhibaan ay Codka U diideen 142 Xildhibaan oo Kulankii shalay soo Xaadirtay.

Dhanka kale Maamulka Jubba ayaa sheegay in Xariirka ay u jareen Dowladda Federaalka oo aysan wax wada shaqeyn danbe la yeelan doonin.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here