Mandheera(INO)-Dowladda Kenya ayaa billowday dhismaha derbi ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, wuxuuna derbigaas yahay mid dhererkiisu gaarayo 800km. Derbiga ayaa waxaa lagu daro dari doonaa silig lagu xirayo koronto qabaneysa wax kasta oo noole ah, waxaana ku kaceysa lacag malaayiin doollar ah, taasi oo aan la ogeyn in Kenya ay awoodi karto.
Sidoo kalena xadka laga dhisayo derbigan ayay dowladda Kenya geysay ciidamo si aad u tababaran oo ku hub casri ah wata.
Khubarro Kenya u dhashay oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in derbigan uu yahay mid ay Dowladda Kenya kula dagaallameyso argagixisada.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Mandheerea