Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Bqolal Ciidamo ah tababar ugu furtey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, waxaana maal galineysa Dowlada UK.
Wasiirka Hub ka dhigista Dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyaadka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eealay) ayaa sheegey in ciidamadan ay u tababarayaan Degmooyinka Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya si loo sugo amaanka Isla markaaana waxa uu tilmaameymey in degmo kasta loo tababaraayo 300 Askari.
” Degmo kasta waxaa loo tababaraayo Ciidamo Gaarayo 300 Askar, waxaana doonayna Waqti dhow Guud ahaan Lagu sugi doono Amaanka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya Xaaji Maxamed ayaa sheegey in Dowladda Soomaaliya qiib weyn ka qaadaneyso ka qiib qaadashada tababaradaa Ciidamada KG Soomaaliya.
” Waxaan aad ugu faraxsanahay in ciidamo sugayao amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maanta Loo furey tababar, runtii DFS waxay ka qiib qadaneysa Gacansiinta KGS, ciidamada tababarka loo furey waxaan kula dardaarmaya in si fiican u qaataan tababarka” ayuu yiri wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa dooneysa inay sugdo amaanka iyadoo kaashaneyso Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya Ee AMISOM.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo