Galkacyo(IN)-Banaanbax balaaran oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool koonfurta gaalkacyo loogana soo horjeedo shirka ka socda magaalada Muqdisho oo maamulka GalMudug loogu diiday in ay ka qeybgalaan ayaa ka dhacay magaaladaasi.
Banaanbaxyaasha oo aad uGu careysnaa shirka dowlada dhexe iyo maamulada koonfur galbeed, jubba iyo Puntland isla markaasna ku qeylinaayey ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya sida ” Dooni Meyno Xasan Sheikh, Dooni Mayno Damjadiid”, ayaa waxay lug ku soo marey koonfurta magaalada Gaalkacyo ilaa ay uGu dambayntii ku soo uruureen garoonka weyn ee C/laahi Ciise ee xarunta Galmudug magaaladiisa Gaalkacyo.
Daawo dareenka iyo khudbada ay shirkaasi ka jeediyeen masuuliyiinta maamulka GalMudug iyo dadweynihii ka qeybqaatey dibadbaxii manta looga soo horjeedey Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud.
Halkan ka Daawo.