Rome(INO)— Dhul gariir cabirkiisa ahaa 6.2 ayaa ku dhiftay bartamaha dalka Talyaaniga, kaasoo ay ku dhinteen 37 ruux, halka 150 kalena la la’yahay.
Kooxaha wax bad baadiya ayaa isku dayaya in bur burka dhismayaasha hoostooda ay ka soo saaraan dad la la’yahay.
Dadka ugu badan ee dhul gariirka ku dhintay ayaa ku sugnaa Tuulada Percara der Tronto, waxaana jirta cabsi laga qabo inay sare u kacdo khasaaraha ka dhashay dhul gariirka.
Waxaa bur buray dhismayaal badan, waxaana howl galka lagu baadigoobayo dadka la la’yahay ka qeyb qaadanayay eeyo.
Sidoo kale dhal gariirka ayaa meelaha uu saameeyay waxaa ka mid ah magaalada Amatrice, waxaana duqa magaaladaas uu sheegay inay jiraan dad codkooda la maqlayo oo ku jira bur burka dhismayaasha.
Magaalada Rome ee caasimada dalka Talyaaniga ayaa si aad ah looga dareemay dhul gariirka, iyadoo dhismayaasha qaar ay qadar 20 ilbiriqsi lusheen.