Talefishinka caanka ah ee Aljazeera oo laga daawado Dunida oo idil ayaa maalmahaan dambe waxa uu noqday mid ku mashquulsan Nabada ka dilaacday magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Telefishinkaan oo horay looga bartay in u ka sheekeeyo Muqdisho oo holcaysa waliba Madaafiic la isku dul dhaafsanayo ayaa taas badalkeeda hada waxa uu u weecday dhanka Nabada iyo Kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
[vsw id=”3U9HBrXOWDA#!” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Aljazeera Tv ayaa dhoor jeer oo hore soo daayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde international Airport oo ebid Diyaaradihii ugu badnaa ay dhex fadhiyaan iyo Dekeda magaalada Muqdisho oo Maraakiib iyo Doomo fara badan ay ku xiran yihiin .
Telefishinka Al Jazeera ayaa sidoo kale soo daayay muuqaalo aad u qurux badan oo u badnaa Hoteelo iyo goobo ganacsi oo casri ah oo laga dhisay magaalada Muqdisho oo markii hore ahaan jirtay Kawaanka dadka lagu qasho waliba dhiigooda sida macno darada ah loogu daadiyo.
Aljazeera oo dhex galay Shacabka ku damaashaadayo Xeebta Liido ayaa qaarkood wareeysi ay dhiibeen waxa ay ku sheegeen in mudo 20 sano ah dalka Dibadiisa ay ku maqnaayeen waliba hada ay soo jiidatay Nabada macaan ee ka dilaacday Caasimada dalka Somalia ee Muqdisho.
Idale News Muqdisho