Daawo: Dadka Muslimiinta Rohingya ee degan waqooyiga Boorma oo xaquuq ba’an iyo barkacin Military dalkaas ku hayaan

0
272

Muslimiinta laga tirada badan oo ku nool dalka Myanmar ayaa waxa xasuuq u gaysta dadyowga u badan dalka Borma ee Buddhist. Ku dhowaad kun qof ayaa la xasuuqay, in ka badan hal malyan waxa laga bara kiciyey guryahoodii , labo kun oo Muslimiinta Rohingya maanta meel cag iyo jaan dhigeen lama oga ilaa  hadana waa la l’ayahay intaa waxa u sii dheer Muslimiinta bililiqo iyo guryahooda oo la gubo .muslimiin

Muslimiinta Rohingya Muslims ayaa iyaga oo naftooda kala cararaya wuxuushtan dhiigya cabka ah, waxay Doonyo aan fiicnayn ugu baxsadeen dalka Bangladesh.  Muslimiinta Rohingyas ee dalka Myanmer (dalkii hore ee Boorama) oo la xasuuqay oo ay ku jiraan dumar iyo caruur

Dawlada Myanmar ayaa diiday in ay u aqoonsato Rohingya Muslims, in ay yihiin dad u dhashay dalkaas oo ay ku noolaayeen qarniyo badan, waxayna ku sheegaan in ay yihiin illegal migrants dad bilaa sharci ku jooga.

Sida UN/ Qaramada midow ay sheegtay Qabiilka Rohingya ee muslimka ah ee Burma ku nool waa dadka aduunka loogu xasuuq badanyahay. Waxaa xasuuqaa gaysanayo waa Dadka Budhista loo yaqaan ee wadanka Burma xukumo. Xasuuqa ay sikhska ku kacayaan waxuu ku qotomaa isir nacayb iyo muslim nacayb.

Dowlada wadanka Burma waxay waydiisatay UN-Ka in qabiilka muslimka ah ee Rohingya in loo qaado wadamo kale oo qaab qaxooti-nimo ah looga daabulo wadankooda. Codsigaasi waa mid cunsuriyad ay ka muuqato sidaa darteed UN-ku ma aysan aqbalin . Intaa ka dib waxay dowladu bilowday in ay hubayso qabaa’ilka Budhistaha ah si loo xasuuqo dadka muslimiinta ah.

Budhistuhu waxay bilaabeen dil, dhac, kufsi iyo barakicin ay u geysteen muslimiinta laga tirada badanyahay. Waxaa xusid mudan in dhibka lagu hayo Muslimka Burma uu weligiii jiray laakiin hadda uu xoogaystay oo xattaa dowladii wadanka ay wax ka ogtahay. Waxaa la yaab leh in waqtigaan casriga ah dad muwaadiniin ah lagu xasuuqo diintooda iyo isirkooda dartiis.

Idale News Bangladesh