Daawo: Daacish Oo soo Bandhigtay Muuqaal Caalamka Argagax Geliyey

0
190

Riqqa(INO)- Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay Muuqaal cusub oo Video ah, kaasi oo ay ka muuqanayaan Caruur yar yar oo Daacish ka tirsan, kuwaasi oo tooganaya Maxaabiis.

Caruurtaan oo tiradooda ay gaarayso ilaa Shan ayaa waxa ay gacmaha ku sitaan Bistoolado, waxaana ay tooganayaan Shan nin oo Maxaabiis ah, kuwaasi oo ah Kurdiyiin Daacish ay gacanta ku dhigtay.

Mid ka mid ah Caruurta Toogashada geysanaya ayaa u dhashay dalka Britain, waxaana lagu magacaabaa Abuu Abdullaahi Al-Biritaani.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn halka ay tahay meesha toogashada ay ku geysanayaan caruurtaan, ayaa hadana Warbaahinta waxa ay sheegaysaa inay tahay Magaalada Raqa ee dalka Syria, gaar ahaan goob lama degaan ah oo cidlo ah.

Shanta caruurta ah ee geysanaysa falkaan argagaxa leh ayaa u kala dhashay dalalka Britain, Turkey, Masar, Uzbekistan iyo Tunisia, waxaana la tilmaamay inay dhaleen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Mid ka mid ah Caruurta oo ka soo dhex muuqday Muuqaalka ayaa sheegay inaysan jirin cid badbaadin karta Maxaabiistan, xitaa hadii ay u soo gurmadaan Mareykanka iyo Jarmalka.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo Daacish ay soo bandhigaan Caruur da’dooda aad u yar tahay oo fal toogasho ah sameynaya.

Daacish-1

Daacish-2

Daacish-3

Daacish-4

Daacish-5