Baydhabo(INO)- Boqolal Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Cusub Ee Dowlada Koonfur Galbeed Somaaliya ee Shaley Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden Iyo Ra’iisul wasaaraaha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ay Tababa u soo Xireen ayaa Saaka waxay ku soo bandhigeen Wadooyinka Magaalada Baydhabo dhoolatus Militiri iyo Gaardo iyadoona Ciidamada Booliska iyo Baambeydana ay tumeeyeen Astaanka Muusakada Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kumunaan Dad weynaha Magaalada Baydahbo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa isugu soo baxay wadooyinka si ay u daawaadaan Socodka Ciidanka iyagoona soo muujiyeen Gaaro ka ciyaar qurux badan, amaanka Magaalada Ayaa aad loo adkeeyey.
Ugu dambeyntii, Ciidamadan ayaa la filayaa in dhawaan ay waajahaan Hawlgalo ka dhanka ah ciidamada Xarakada Al-shabaab oo ay taliyaan Degaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana dagaal Adag kula jiraan Ciidamda Dowlad Soomaaliya iyo Kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo