Daawo: C/fataax Ibrahim Geesey Oo Isu Soo Sharxay Qabashada Xilka Gudoonka BFS

0
183

Muqdishio(INO)- Cabdifitaax Ibraahin Geeseey oo ka mid ah Mudanayaasha BFS ayaa maanta Xaflad uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxuu uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan oo uu Xildhibaan ka shaaciyay musharaxnimadiisa ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudoow oo ka mid ah Xildhibaanada lagu casuumay kulanka ayaa waxuu sheegay in Dalka ay soo mareen Guddoomiyeyaal Baarlamaan, kuwaasi oo sheegay in ay mas’uul ka ahaayeen khilaafyo hareeyay Madaxda Dowladda.

Xildhibaanka ayaa carabka waxuu ku dhuftay in muhiim ay tahay in Guddoonka Sare ee Baarlamaanka loo doorto Cabdifitaax Ibraahin Geeseey .

Musharax Cabdifitaax Ibraahin Geeseey oo isna khudbad ka jeediyay kulanka ayaa waxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la kulamy dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay Dilal qorsheysan oo loo geystay Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu shaaca ka qaaday in gunnooyinka loogu talagalay Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku bixi jireen shaqsiyaad u gaar ah, taasi oo uu ku eedeeyay Madaxdii Guddoonka Baarlamaanka.

Musharax Cabdifitaax Ibraahin Geeseey ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in wax badan ka badali doono Baarlamaanka hadii loo doorto Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Hadalka Musharax Cabdifitaax Ibraahin Geeseey ayaa waxuu imaanayaa xili Guddiga Qaban-qabada dooraashada Guddoonka Sare ay shaaciyeen in ay gacanta ku hayaan waraaqo ku aadan Xildhibaanada isku soo diibaan geliyay qabashada Xilka Guddoonka iyo kuwa kale oo doonaya in ay noqdaan ku xigeenadooda.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Abshir Maxamed Nuur, Mandella Idale News Online,