Marka(INO)-Xaflad lagu Maamusayey Maalinta dhalanyarada Somaaliyeed oo ku beegan 15-ka May aas aaskii dhaq dhaqaaqii Gobanima doonka ayaa waxa lagu qabtay Magaalada Marka.
Xaflada ayaa waxa iska kaashtay Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaarah ee Dowladda Koonfur galbeed iyo Ururka Samatabixinta Deegaanka, taas oo ka dhacday Magaalada Marka ee Xarubta Gobolka shabeelada hoose.
Xaflada oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa kasoo qayb galay Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin,ururada haweenka ee degmada,dhalanyarao iyo Gudoomiyaha Deagmada Marka mudane Maxamed Cusmaan Cali Yariisow iyo Marti sharaf kale.
Gudoomiye Yraiisiw ayaa Hambalyo ku aadan 15-ka May u diray guud ahaanba Umada Soomaaliyeu isagaoona ugu hambalyeey 72 sano ka hor aas aaskii Ururkii SYL ee ay horkacayeen dhanayaro Soomaaliyeed.
Xaflada ayaa waxa lagu soo bandhigay halkudhigyo ka tajimaya Maalinta Xusuusta mudan sida Gabayo, heeso wadani, Ciyaaro hidaha iyo dhaqanka iyo Ciyaarta dheri jebinta.
i
Idale News Online, Marka