Paris(INO)- Booliiska la dagaalanka argagaxisada ayaa baaritaan ku wada weerar lagu dhaawacay labo askari oo booliis ah.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu geystay nin ku hubeysan Mindi kaasi oo dhaawacay labo askari oo ku jiray hawl roondo ah.
Ciidamada Amniga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in weerarkan uu salka ku hayo fal argagaxiso.
Askarta la dhaawaca ayaa iyagu ku guuleystay inay lugta ka toogtaan ninka dhaawacay isla markaana nolol ku qabtaan.
Dalka Belguim ayaa weli ku jira heegan sare kadib weeraradii ka dhacay magaalada Brussels horaantii sanadkan iyo kooxo badan oo xagjir ah oo la sheegay inay ku sugan yihiin dalkaasi.
Dowlada Belguim weli ma shaacin ninka falkan geystay magaciisa iyo heybtiisa waxaana la filayaa in ay shaaciyaan xogtan marka uu dhamaado baaritaanka horudhaca ah.