Daawo: Beesha Yantaar/Qulaane Oo Samadoon Cusub Ku Caleema Saartey Magaalada Baydhabo

0
610

Baydhab0(INO)-Beesha Yantaar oo ka mid ah Beelaha Raxanweyn gaar ahaan  Jifiga Qulaane ayaa waxay maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Gobolka Bay ku Caleemo saartey Samadoon Cusub.

Munaasabada waxa ka qiib galey Odayaal dhaqmeedyo, Ganacsato iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KoonfurGalbed Soomaaliya.

Ugu horeyntii Nuur Xaaji Cali (Amardambe0  oo kamid ahaa masuuliyinti gacan ka geystey qaaban qaabada caleemo saarka ayaa sharaxay muhiimada maanta ay u yimaadeen munaasabada caleemo saarka Samadoon Mahad Mustaf Axmed  oo noqon doono samadoonka matala beesha

Nuur Xaaji Cali (Amardambe) ayaa sheegay in u jeedkooda ugu muhiimsan uu yahay in lahelo nabadoon daacad ah u adeega bulshada soomaliyeed iyo beesha caaleemo saaratay siiba beesha yartaar gaar ahaan qulaane waxana ku taagyeeri doona dadaalada uu sameynayo samadoonka sidaasi waxaa yiri Mudane Nuur Xaaji Cali (Amardambe).

Sidoo kale samadoono iyo siyaasiin dhankooda munaasabada ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraday qiimaha uu leedahay xilka balse loo baahan yahay samadoonka cusub in uu la yimaado cadaalad iyo dadaal taasi oo ah wax maanta uu hormar ku gaarsiinkaro beesha dooratay.

Ugu Dambeynti xildhibaan cusmaan Aato oo katirsan baarlamaana koonfur galbeed ayaa si aad ah ugu dheeraaday munaasabada lagu caleemo saaray samadoonka cusub isagoona sheegay inay ugu baahan yihiin bulshada in uu ka daboolo cadaalada si dadka  doortay iyo soomalida uu u gar qaado

Halkan Ka Daawo

20160512_10182620160512_10172220160512_10174620160512_10175820160512_10181320160512_101826

Wariye Maxamed Aaden Socodaal, Idale News Online Baydhabo