Daawo: Beesha Geledi Oo Kalsoonida Kala Laabatey Suldaan Cusmaan Axmed

0
264

Afgooye(INO)- Kulan ay maanta isugu yimaadeen gollaha dhaqanka Beesha Geledi, Aqoonyahanada iyo weliba waxgadka ayaa maanta waxaa lagu qabtey degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

Kulankaas oo looga hadlayey Danaha Beesha  isla markaana fariin loo direy suldaanka guud ee Beesha geledi suldaan Axmed taariikhdu markey aheyd  21/6/2016 in uu ku yimaado degmada afgooye si looga wada hadlo mustaqbalka shacabka Degmada afgooye.

Sida la sheegey Suldaanka ayaa dhag jalaq u siin fariinta ay soo direen odey dhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka isagoo aan weliba wax cudur daar ah ka bixin sababta uu uga soo jawaabi waayey fariinta ay soo direen odayaasha.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa odayaasha waxaa ay warbaahinta u sheegeen in suldaan Cusmaan Axmed ay kalsoonida kala laabteen isla markaana uusan matalin  Beesha gaeled wixii ka dambeeya maanta oo ay taariikhdu tahay 4 bisha ogost 2016.

 Halkan Ka Daawo VIDEO