Xudur(INO)-Degmada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa Raashin loogu qeybiyey Dad Barakacayaal ah kuwaasoo dhawaanan Soo gaarey Gudaha Degmadaasi, isla markaana ka soo carareen Gaajo iyo Amni Daro ka taagan Degaano Ka Tirsan Gobolka Bakool.
In ka badan 1,333 Q0ys 00 barakacayaashaasi ka mid ah ayaa raashin U qiibisey Hay’ada Cuntada Aduunka Ee WFP oo Kaashaneyso Hay’ado Maxali ah, oo ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Bakool Ee Soomaaliya.
Dan-yartan Loo qeybiyey Raashinkaasi, ayaa Sida a sheegey ay heleen raashiin kufilin wolow ay tahay markii ugu horeysey oo Ioo qeybiyo Raashiin Barakacaayaasha inta aysan Soo gaarinDegmada Xuddur Ee Gobolka Bakool.
Ugu dambeyntii, Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxay ka mid tahay Degmooyinka Ku jira Gacanta Dowladda Soomaaliya ,isla markaaana waxa Go’doomiyey Xoogaga Al-shabaab ee Soomaaliya oo Dagaal Adag kula Jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda AMISOM.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xudur, Bakool