Daawo: Baraf aad badan oo xayiray wadooyinka iyo guud ahaan magaalada Stockholm ee dalka Sweden

0
217

 Baraf aad u xoogan oo maalintii shalay ahayd ka dagay magaala madaxda dalka Sweden ee Stockholm ayaa gebi ahaanba xanibay duulimaadyadii, tareenadii,jidadkii meelaha qaarna gooyay korontadii iyadoo waliba waaxda hawadu ay saadaalinayaan in jawigu uu sidan sii ahaan doono.

‘Waxay ahayd maalin socdaalkii gaadiidka iyo diyaaraduhuba ay istaageen,’’ ayuu yidhi Klas Nilsson afhayeenka shirkada garoomada ee Swedavia oo u waramay saxaafada.

Barafkii shalay ka da’ay Stockholm ayaa la sheegay inuu ahaa 30cm waxayna laanta hawada Swedish Meteorological and Hydrological Institute taaladadii bixisay digniin nooca class 2 ah oo ka dhigan in barafka la filayo uu khatar ukeeni karo shacabka.

Meelaha barafku aadka usaameeyaya waxaa kamida garoonka diyaaradaha ee Arland Airport.Subixii hore majirin diyaarada kacday waxayna arintan saameysay 60,ooo oo rakaab.Dhanka soo degitaanka 13 diyaaradood oo kaliya ayaa soo cagadhigatay iyadoo jadwalkuna uu ahaa in 100 diyaaradood ay soo caga dhigtaan.

Dhanka tareenada ayay sidoo kale hakad kuyimid iyadoo la sheegay in hal tareen uu ku qalibmay jidka Lindingo waloow aysan jirin cid wax ku noqotay.Dhamaan basaskii gudaha magaalada ka shaqeeynayay ayaa galabnimadii la joojiyay kadib markii uu sii kordhay barafkii.

Kumanaan kamida dadka kunool bariga Svealand ayay galabnimadii korontadii ka go’day wax rajo ahna lagama qabo in si dhakhsa ah korontodaas loo hagaajiyo maadaamo ay adagtahay in injeenaradu ay gaadhaan halkaas. Dadka ama guryaha ku yaala Stockholm ee ay koronto la’aantu haleeshey ayaa kor u dhaafaaya  5,500.

Idale News StockHolm