Daawo: 9 Ruux Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Kaniisad Ku Taal Dalka Mareykanka

0
232

New York(INO)— Sagaal ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Kaniisad taariikhi ah oo ku taal magaalada Charleston ee Gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka, markii nin hubeysan uu weeraray.

Toogashada ayaa bilaabatay, markii dad badan ay xalay saqdii dhexe xilliga Mareykanka ku cibaadeysanayeen gudaha Kaniisada.

Halkan Ka Daawo.

Taliyaha Booliska magaalada Gregory Mullen ayaa sheegay sideed ka mid ah dadka lagu dhex dilay gudaha Kaniisadan ay adeegsadaan dadka Madowga Mareykana ah.

Sidoo kale ruuxa kale ayaa ku geeriyooday isbitaalka, waxaana ciidamada booliska ay deg deg ugu soo baxeen weerarka ka dhacay Kaniisada, iyagoo baadigoobaya nin looga shakisan yahay inuu weerarkaas ka dambeeyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka ku dhintay weerarkaas uu ku jiray Baadarigii Kaniisadan taariikhiga ah ee lagu magacaabo Emanuel AME Church

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid ku dhisan naceyb, isagoo xusay in Ciidamada ay baadigoobayaan nin caddaan ah oo weerarka ka dambeeyay.

weerar (3)weerar (2)weerar (1)Idale News Online, New York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here