Baydhabo (INO)Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya , Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa shahaadooyin Gudoonsiiyey 50 Arday oo ka qalin Jabiyey Kuliyadda maamulka iyo maareynta ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo.
Ardaydan oo ahayd Dufcadii 3aad ee ka qalin Jabisa Kuliyadda Maamulka Iyo Maareynta Ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ayaa Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay loogu qabtay Hoolka Bay Star ee Magaalada Baydhabo.
Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Hub ka dhigista, Dhaqan celinta Iyo Tababaradda Maaleeshiyaadkaa Ee KGS ahna Ku Simaha Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha , Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laah LFC, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabbdulahi Cali Watiin ,Marwo Caziiza oo ah Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Barbaarinta Ee KGS,Maamulka Jaamacada, Ardayda qalin Jabisay iyo Marti sharafkale.
Ugu Horeyn Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay Oo Kalmadii Furitaanka Ku bilaabay ayaa si kooban u sharaxay Munaasibada Qalin Jabinta ah ee ay Jaamcadu ku maamuustay Ardayda “maanta waxa halkan ku qalin Jabiyey 50 Ardey oo ka qalanjabiyeen kuliyadda Maamulka Iyo Maareynta ,maanta Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ku soo biiray 50 Aqoonyahan oo ah mid lagu quwaynayo Aqoonta dalka” ayuu yiri Prof. Maxamed Cali Kalaay.
Gebo gabadii waxa shahaadooyin halkaasi lagu gudoon siiyey Ardayda dhamaysatay Kuliyadaha Maamulka Iyo Maareynta Ee Jaamcadda koonfurt Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
emil: Idalenewsonline@gmail.com