C/weli gaas :- weligeedba Dipolumaasiyada Maraykanka ee arrimaha Soomaaliya way shaqayn jirtay

0
213

Cabdiweli Maxamed Cali gaas Ra’iisul Wasaarihii Dawladdii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ka war bixiyay sababta keentay inuu isaga tanasulo Jagadii Xildhibaaninimada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dr.Gaas oo Iminka ku sugan Dalka Maraykanka oo waraysi siiyay qaar ka mid ah War Baahinta gudaha waxa uu ku sheegay in sababta uu uga tanasulay Xilkaas in ay tahay isagoon xiligan dooneyn inuu ku sii sugnaado gudaha Dalka Soomaaliya.wuxuuna intaasi ku daray C/weli Gaas in xildhibaanka looga baahan yahay inuu si joogta ah uga qayb galo shirarka Barlamaanka isla markaana uu ka warhayo Xaaladda beelaha uu ku Metalo Barlamaanka Soomaaliya.

Cabdiweli maxamed Cali gaas ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay aqoonsiga Maraykanku aqoonsaday Dawladda Federaalka Soomaaliya isagoona intaa ku daray in weligeedba Dipolumaasiyada Maraykanku ee arrimaha Soomaaliya ay shaqayn jirtay,wuxuuna dhinaca kale sheegay xaaladda Soomaaliya ay haatan soo hagaagayso isla markaana horumar la gaaray arrimo badan sida nabadgalayada oo uu sheegay in ay mareyso meel laisku haleynkaro illa xad sida uu yiri .

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in mar haddii uusan dalka joogin isagu haatan Shacabka Soomaaliyeed uu jeclaan lahaa in ay midoobaan kana shaqeeyaan wixii horumar uu ku gaarayo dalku isagoo dhinaca kalena Barlamaanka Soomaaliya u rajeeyay sii dar dar gelinta howlaha xilligan hor yaalla.

Cabdweli Maxamed Cali oo ka mid ahaa Musharixiintii isu soo taagtay kal hore Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa markii uu waayay Jagadaas wuxuu booqashooyin ku kalabixiyey deegaanada puntland inkastoo uu isfaham waa soo dhexgalay isaga madaxweynaha puntland kadibna waxaa uu Mr.C/weli gaas dib ugu laabtay dalka mareykanka oo ka yimid markii hore halkaas oo uu ka ahaa bare dhiga cilmiga dhaqaalaha,inkastoo aan hadda la ogeyn go,aankiisa dambe ee ku aadan dhinaca siyaasadda soomaaliya .

Idale News Muqdisho