Idalenews:Kooxo hubeysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii xiriirka garsoorayaasha kubbada cagta Soomaaliyeed Cusmaan Jaamac Diraac.
Dilka ayaa la sheegay inay geysteen dad ku hubeysan bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay salaada cishaha masjid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda.
Kooxdii dilka geysatay ayaa goota isaga baxsaday ka hor inta aysan ciidanka ammaanka goobta gaarin. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha ee xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa ku dhaawacyo ay ka soo gaaren afar ruux kadib markii hoobiye ku soo dhacay goob ganacsi oo ku taal isla degmada Warta nabada caawa fiidkii.
Ciidamada amniga oo goobtaa gaaray ayaa la sheegay in ay baaritaan ka bilaabeen meelo ay uga shakiyeen in hoobiyaha laga soo ridey.
Dhawaqa qaraxyo kale ayaa laga maqlay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho caawa iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay qaraxyadan maadaama goobaha ay ka dhaceen ay yihiin meelo dad rayid ah degen yihiin.
Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada kuwaasoo ku saabsan weerarka hoobiyaha ah iyo qaraxyada kale ee laga maqlay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.