Cumar Gelle”Kooxaha xagjiriinta ah meeshii ay galaan way adag tahay sida looga saaro”

0
208

Jabuuti(INO) — Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay inay adag tahay in laga saaro meeshii ay galaan kooxaha xagjiriinta ah, isagoo tusaale u soo qaatay dagaallada muddada dheer socday ee ka taagtan dalka Afgaanistaan.

Geelle ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siinayya BBC-da oo lagu weydiiyay inay Al-shabaab weli tahay koox awood leh oo wax laga qaban la’yahay, ciidammo ka socda dalal Afrikaan ah oo ay Jabuuti ku jirtana ay joogaan Somalia.

“Markii Daalibaan ay qabsatay Afgaanistaan, waxaa la geeyay ciidamada NATO oo dhan, dhaqaale badanna waa la geliyay sidii wax looga qaban lahaa, laakiinse markii xilligii ay daalibaan qabsatay dalkaas loo eego waxna ma dhaanto maanta, haddaanay ka darnayn,” ayuu yiri Geelle.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in Somalia aan dhaqilihii lagu bixiyay dalka Afgaanistaan la geliyay oo kale aan la gelin, balse ay jiraan xoogaa horumarro ah oo laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Dagaalka Al-shabaab waa uun Soomaali dilaysa Somali kale. Waana koox meel walba oo dunida ahna way isaga imaanayaan, kii la yiraahdo jannaad gelaysaa ee lacag keen – wuu keenayaa, kii la yiraado nataada keen wuu keenayaa… kii la yiraahdo tababar siina wuu siinayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyay in waddamo yar oo Afrika ah iyo hay’ado caalami ah ay caawiyaan dowladda Somalia iyo shacabka dhibaateysan ee Somalia, cid kale oo wax-tartana aysan jirin.

Dhanka kale, mar la weydiiyay madaxweynaha Jabuuti khaladkii ugu weynaa ee ka dhacay 16-kii sano ee xukunka hayay ayaa wuxuu sheegay inuu u maleynayo inuu ahaa dadka ay kalsoonida badan siiyeen ee Jabuuti dhibaatada ka abuuray, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin mucaaradka.

“Waxaan is-leeyahay khaladkii ugu weynaa ee aad gasho wuxuu ahaa dadkii aan kalsoonida siinnay ee dalka dhibaatada geliyay… innaguna ma yeelayno in dadka Jabuuti la dhibaateeyo… waayo waxaan u dhaarannay waa inaan amniga dadka ilaalinno, waanan ku taagannahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Geelle.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in xaaladda amni ee dalka Somalia aan dhaqaale badan loogu bixin sida dhaqaalaha mallaayiinka doollar ah loogu bixiyo dalalka kale ee ay colaaduhu ka socdaan.

Idale News Online, Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here