C/kariin Guuleed “Waa soo dhoweyneynaa shirweynaha looga arinsanayo dhibaatada Shabaab ku hayaan bulshada ee Culimada hormuudka ka yihiin”

0
217

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay madaxda sare ee dowladda ay kala tashan doonaan diyaarinta iyo xilliga la qabanayo shirweyne ay ku baaqeen Culimada Soomaaliyed.

C/kariin Guuleed oo hogaaminayay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay aaskii Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo jimcihii lagu dilay magaalada Garowe isagoo salaada casir ku dukanayay Masaajid.

“Waa soo dhoweynaynaa baaqa culimada iyo shirweynaha ay iclaamiyeen ee looga arinsanayo dhibaatada Al-Shabaab ku hayaab bulshada, cid walba oo ka shaqeyneysa dabar goynta kooxahaas shar wadayaasha waa kala shaqeyneynaa”ayuu yiri Mr Guuleed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay qabsoomida shirkaas, isagoo xusay in shirkan ay hormuud u yihiin Culimada Soomaaliyed, ayna ka qeyb geli doonaan qeybaha bulshada Soomaaliyed.

Culumaa’udiinka Soomaaliyed ayaa iclaamiyay shirweyne looga arinsanayo dhibaatooyinka Al-Shabaab ku hayaan bulshada iyo ka hortagida fikiradaha qaldan ee dhalinyarada ku marin habaabiyeen, kaasoo ay sheegeen inay Fatwo ka soo saari doonaan.

Shirweynahan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb geli doona Maamulada Soomaalida, iyadoo aan wali la iclaamin halka uu ka dhici doono iyo waqtiga la qabanayo, waxaana shirkan uu noqon doona mid ka duwanaan doono shirar siyaasadeedkii horay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka dhacay, maadaama ay hor boodayaan Culimada Soomaaliyed.

Idale News Muqdisho