Ciidamo shil Gaari ku Dhaawacmay Oo Lagu Dabiibayo Baydhabo

0
181

Baardheere (INO)-Col Faarax Cabdi Cashara oo ah abuunduulaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobalka Gedo ayaa xilli uu lahadlayay Warbaahinta waxa  uu ka warbixiyay Askar ka tirsan Dowladda Soomaalia oo Kudhaawacmay Shil maalinimadii shalay kadhacay duleedka Magaalada Baardheere.

waxa uuna Sheegay in ilaa iyo 2 Askari iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Shilkaasi waxa uuna intaas ku daray in labadii Askari ee dhaawaca ay qaadeen Ciidmada AMISOM ayna  isbitaal ay ku leeyiin Magaalada Beydhabo halka Sarkaalka dhaawcmay lagu Dabiibiyo Baardheere.

Abuundaalaha ayaa dhinaca kale ka hadlay Xaaladda Amniga ee Beerdheere isagoona sheegay in xaaladda Amni ay tahay mid aad u wanaagsan Ciidamaduna ay howlgallo ka sameeyaan Baardheere  iyo deegaanada hoostaga.

Ugu dambeyntii, Maalinimadii shalay ayey aheyd markii Gaari nuuca Ciidanka ah uu ku rogmaday duleedka Magaalada Baardheere halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda oo 3 ka mid ah uu soo gaaray dhaawac halis ah.